5 arrin oo aan ka baranay xafladdii lagu caleemo saaray madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalfad heer sare loo soo agaasimay lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Waxaa xafladda kasoo qeyb galay maddax sare oo ka socotay beesha caalamka iyo dowladaha dariska ah.

Hadaba waxaan idin soo gudbineynaa waxyaabihii laga bartay xalfadda caleema saarka.

1 – In Jabuuti ay mar waliba tahay Jabuuti

Waxaa is weydiin mudan sababta aan u niri Jabuuti mar waliba waa Jabuuti, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale kasoo muuqday xalfadda caleema saarka Farmaajo, waxaana ay caan ku tahay garab istaaga dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa la xasuustaa inay qeyb ka ahayd xukuumadda Jabuuti soo dhisiddi dowladihii Cabdi Qaasim iyo Shariif Sheikh Axmed, si lamid ah waxay door muhiim ah ka qaadatay dhismaha dowladihii Cabdullaahi Yuusuf, iyo xukuumaddii dhawaan waqtigeedu dhammaaday ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud.

2 – Codkarnimadda Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh MAxamuud

Xasan ayaa lahaa mid ka mid ah khudbadihii gaarka ahaa ee loogu talagalay madaxd, waxaana sidii la filayay Xasan Sheekh uu muujiyay inuu yahay cod kar waligiisa aan gamban.

Sidoo kale waxaa uu sameeyay balan qaad ah inuu la shaqeyn doono maddaxweynaha Cusub ee la doortay, si la mid ah waxaa uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ayna garab istaagaan dowladnimada Soomaliya u curatay.

3 – Doorka Beesha Caalamka

In ka baddan 124 wadan oo caalamka ayaa kasoo muuqday xalfadda caleema saarka maddaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Inkastoo inta baddan aan la siinin khudbad, haddana waxay ahayd xalfad ay u dhamaayeen beesha caalamka.

Inta baddan waxay ahaayeen waddamadda Bariga iyo Bartamaha Afrika iyo urur waynaha IGAD, Midowga Afrika, Midowga yurub iyo QM, waxayna qaarkood heleen qaar ka mid ah khudbadihii xalfada laga jeediyay.

4 – Muujintii Madaxweynaha ee Dareenkiisa Shacbiyadeed

Madaxweynaha dhawaan la doortay ayaa muujiyay qiiradiisa ku aadan sida uu u doonayo inuu u sameeyo isbaddalka ay shacabka ku doorteen, in kastoo waqtiga uu ku sheegay inuu yahay mid ku yar.

Sidoo kale, waxaa uu dareenkiisa ku muujiyay Farmaajo dhiira galinta Ciidanka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay yihiin geesiyaal u baahan in la garab istaago.

5 – Khudbadihii Dowladaha Dariska

Qaar kamid ah maddaxda dowladdaha dariska ayaa khudbadoodda ku muujiyay taageeradooda ku aadan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay inay taageerayaan ka Addis-Ababa ahaan dowladdan curdunka ah.

Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna muujiyay dareenkiisa farxadeed ee ku aadan dowladda cusub, isagoona sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo Dimoqradiyad ah loogana mahad celinayo madaxdii hore.

W/Q: Cabdiwahaab Axmed Cali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com