Qarax aad u culus oo goordhow ka dhacay magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabelaha Dhexe.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada ayaa waxaa lagu weeraray Xarun ay ku sugnaayen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada.

Qaraxa kadib ayaa waxaa magaalada laga maqlay Rasaas xoogan oo la sheegay inay ridayeen Ciidamada ku sugnaa Xerada la weeraray oo ku taal xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlaayay Gaadiidka gurmadka ee loo yaqaan Ambalaasta inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Ciidamada Amaanka ayaa iminka wada baaritaan lagu raadinaayo shaqsiyaadka loo maleynaayo inay tuureen Qaraxa oo ah mid loo adeegsaday Bam Gacmeed.

Xaaladda Magaalada ayaa iminka ah mid degan, waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada ay wadaan Baaritaano.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com