Maxaa laga fahmay khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu u jeediyey Golaha Shacabka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa Golaha Shacabka waxa uu ku billaabay  sababta uu u dalbaday in uu horyimaado, waxa uu ku koobay hadalkiisa Doorashooyinka, Wada hadallada Xukuumadda dhexe iyo Dowlad-goboleedyada iyo xaalka siyaasadeed ee Dalka.

Waxa uu kahadalay shirka Magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo dadaalo xooggan la geliyay muddada uu socdo.

“Mudanayaal waxa aan idin kaga mahad celinayaa dadaalada kala duwan ee ansixinta xeerarka muhiimka u ah Doorashada dalka iyo kuwa kale oo aan meelmariseen, waa howl iyo waxqabad muuqda oo aad ku tallaabsateen” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu ka hadlay shirkii Dhuusamareeb ka dhacay 18-22 bishii July, isagoo xusay in shirkaas uu ku qotomay sidii looga xaajoon lahaa hannaanka doorashooyinka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro, waxaana uu ku celiyay in la ogaado heshiis siyaasadeed uu horay u dhacay,

“Ogaada Heshiis siyaasadeed horay ayuu u dhacay, wuxuu ka dhacay Baydhabo, kaddib markii  Guddi ka socda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay muddo dheer ka shaqeynayeen in dalka uu aado doorasho qof iyo cod 2020 iyo 2021″ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo mar kale muujiyay mid weli ku dhegan aragtidiisa doorasho qof iyo cod.

Wada hadalka ayuu ku sheegay in uu xoojineynayo talo wadaag, is ogol, wada shaqeyn iyo in laga gudbo caqabad waliba oo kahor imaan karta haddii kalinimo loo socdo, loona baahan yahay wada hadalka Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada oo aan la kala tagin.

“Maanta oo bisha ah 15-ka Agoosto waxaa lagu ballansan yahay in dib la isugu laabto Dhuusamareeb oo laga wada hadlo doorashada iyo geedi socodka, waana muhiim in dadka dib loogu celiyo awooddooda, madaxweynaha oo dalka ugu sareeyo waa ilaaliyaha sharciga iyo dastuurka, waana in la ilaaliyo, maadaama aad tihiin codka shacabka waa in la aqbalo go’aanka aad gaartaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Baarlamaanka in shirkii Dhuusamareeb uu la tagay ay aheyd sharcigii doorashooyinka ee qof iyo cod, isla markaana heshiis siyaasadeed la soo gaaray oo uu soo dhamaadya, midkaan uu yahay heshiis labaad oo midkii hore laga dhigayo wax aan jirin.

Waxaa uu sheegay in markii uu tagay Dhuusamareeb ay dowlad goboleedyada ay ku dhegeen doorasho dadban kii 2016, isagana uu ku adkeystay in doorashada loo baahan yahay inay ahaato tii sharciga laga sameeyay horayna loogu heshiiyay in la meel mariyo, heshiiskii shalay la galayna aan la fulin.

Khudbadda Madaxweynaha oo ahayd mid kooban waxa uu xoogga ku saaray doorashada, siyaasadda, shirarka heer federaal iyo Dowlad Goboleed iyo weyneenta go’aanka Golaha Shacabka ee ah in dalka ay ka dhacdo doorashada ay go’aamiyaan.

“Waxa aad tihiin Matalayaasha Shacabka, sidaas awgeed Heshiis waliba oo aan la gaarno Madax goboleedyada waxa aan ballanqaadayaa in aan dib idin kugu soo celiyo” ayuu yiri Madaxeynaha Soomaaliya.

Khudbada Madaxweynaha oo aheyd 10 daqiiqo ayaa markii uu dhameeyay waxaa hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u sheegay Xildhibaannada inuu kulanka xiran yahay.

Hadalka madaxweynaha ayaa weli ka dhigan in uu weli ku dheggan yahay go’aankiisii ahaa in Nuuca doorashado noqdo doorasho Qof iyo Cod ah oo marka xilliga iyo xaalka taagan ay adag tahay qabashadeedu.