Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Villa Somalia iyo wararkii ugu dambeeyey Waanwaanta lagu qancinayo Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga laabta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo uu ka howlgalayey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho.

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu waanwaan ka bilaabay mooshinka Jawaari, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada hormuudka u ah labada dhinac ee isku haya mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Jawaari.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu qanciyo guddoomiye Jawaari oo ku saabsan inuu xilka banneeyo iyadoo aan loo baahan in cod lagu kala baxo, taasoo uu weli diidan yahay Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga ay soo if baxday khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka, kaddib markii mooshin laga keenay Guddoomiye Jawaari, taasoo xiisad siyaasadeed oo qalqal dhalisay ay ka dhex abuurtay dowladda dhexdeeda.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu wali ka hadlin xiisadan, hadana waxaa uu horay intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan, sida Guddigii Aqalka Sare, Guddi ka socday Xildhibaanada Haweenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno kale, waxaana inta badan kulamadan looga hadlayay xal u helida khilaafka Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u caddeeyay dhamaan dhinacyadii uu la kulmay in arrimaha taagan loo maro sharciga, iyadoo aan Madaxweynuhu wali meel iska taagin khilaafka, balse xubnaha qaar ee Xildhibaanada ay qabaan in Madaxweynuhu aanu dhex dhexaad ka aheyn khilaafka.

 Waxaa arrinta ku dhex jira xildhibaanno caan ah oo isaga dab qaadaya labada dhinac, waxaana arrintan keenay iyadoo xukuumadda iyo madaxtooyada ay garawsadeen in dhaawac siyaasadeed oo weyn iyo xaalad halis ku noqon karta ay ka dhalan karo haddii cod lagu kala bax.Dadaalka waanwaan ee socda oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu guuleysan doono, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay culeys saarayaan taageerayaal culus oo la safan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com