Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay caruurta wariye Cawil Daahir + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah caruurta Wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii ugu dambeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in wariye Cawil Daahir uu kamid ahaa dadka jecel dib dhiska dalka Soomaaliya.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay”

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo”

“Argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.