Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacabaay guddiga qaban-qaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga ayaa waxa hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, waxayna ka shaqeyn doonaan munaasibada xil-wareejinta iyo waxkasta oo la xiriira.

Farmaajo ayaa guddigaan faray in ay si deg-deg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta, xili uu maanta Madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wada-jir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba, Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kulamo wada-tashi ah ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga fal-celiyey, iyada oo dowladaha taageera Soomaaliya ay bogaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.