Madaxweyne FARMAAJO oo mar kale maanta safar ku tegay Itoobiya iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

Safarkan ayaa yimid ayada oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay maalintii Farmaajo loo doortay madaxweynaha, sababaha lagu doortayna ay ugu weyneyd in loo arkay waddani iyo naceybka uu sheegi jiray inuu u qabo Itoobiya.

Hase yeeshee, markii uu kursiga ku fariistay kadib, Farmaajo waxa uu “cadowgiisa koowaad” ee Itoobiya u rogay saaxiibkiisa koowaad, ayada oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu badan ee uu booqday intii uu xukunka haye.

Waxyaabaha taariikhda u galay waxaa ka mid ah inuu noqday madaxweynaha kaliya ee Soomaaliyeed muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya Itoobiyadii uu cadowga ku sheegi jiray.

Farmaajo ayaa iminka Itoobiya iyo Eritrea kula jira isbaheysi saddex geesood ah, oo xog badan aan laga hayn waxa uu yahay iyo danta ay Soomaaliya ku qabto.