Xog ku saabsan dagaalkii maanta ee Beled Xaawo iyo sida uu ku billaabmay

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa isku dhac uu dhiig ku daatay oo maanta ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Isku dhacaan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwo kaloo u daacad ah Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), xilli tiro ka mida ay gudaha u soo galeen degmadaasi.

Ugu yaraan saddex ka mida Ciidamada Cabdirashiid Janan ayaa maanta soo gaaray Bartamaha Degmada Beled Xaawo, kuwaa oo ay is arkayn Ciidamada Dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in saddexdaasi askari lagu amray inay hubka dhigaan, balse ay iska diideen, taasoo ugu dambeen sababtay in gacan ka hadal uu dhex maro.

Ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa saddexdaasi askari ayaana goobta lagu dilay, halka saddex kalena ay shaqaaqadaasi ku dhaawacantay. Askarta dhaawaca laba ka mida waa kuwa dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawacyada saddexdaasi askari la geeyay Isbitaalka Degmada Beled Xaawo, iyadoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Tani ayaa waxay xaalad qalqal ah ku abuurtay shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo, kuwaa oo markii horeba ka baqdin qabay in imaanshiyaha Ciidamada Dowladda uu iska horimaad sababi karo.

Maamulka Jubbaland ayaa Khamiistii Dowlada Federaalka ku eedeeyay in ay duulaan ku soo qaaday Gobolka Gedo, balse ay iska caabin doonaan Ciidamada Dowladda ee lagu soo daabulay gobolkaasi.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ayaa dadaal ugu jira, sidii looga hortaggi lahaa iska horimaad dambe oo dhiig ku daato, kana dhaca degmada xuduuda dhacda.

Waa markii ugu horeysay oo ay isu dhacaan Ciidamadii Jubbaland ee isaga baxay Degmada Beled Xaawo iyo kuwii dowladda, ee maalmo ka hor la wareegay gacan ku haynta degmadaasi.