Madaxweyne Farmaajo oo mar kale safar diebdda ah maanta u baxay + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow safar ugu ambabaxay dalka Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cumaan, isagoo diyaarad qaas ah ka qaatay Aadan Cadde.

Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimcihii isaga oo 79 jir ah.

Madax kala duwan oo ka socota caalamka ayaa ku qul guleysa dalka Cumaan, si ay uga qeyb galaan Tacsidaasi Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale la filayaa in kulan gaar ah  uu la qaato Sultan Haitham bin Tariq Al Said oo bedalay Suldaanka geeriyooday

Waa safarkii labaad ee bil gudaheed Madaxweynaha uga baxo dalka, isagoo dhowaan booqasho ku tagay dalka Ereteriya.