Madaxweyne Farmaajo oo ciidda awgeed ka farxiyey naafada ciidanka xoogga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa gaarsiiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan cusbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho hadiyado ciidsiin ah oo uu ugu talagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Tuulax ayaa hadal uu u jeediyey Ciidanka waxa uu ku sheegay in Ciidsiintan uu u sameeyey Madaxweynuhu ay ka tarjumayso sida uu markasta u xasuusanyahay, una daneynaayo farxaddooda iyo niyad wanaagooda.

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idin ku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Maamulka heer Gobol iyo heer Federaal in wax tar muuqda oo joogto ah ay u sameeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Cusbitalka Martiini, maadama ay naftooda u soo horeen dalkooda, haatanna la joogo xilligii ay guran laaheeyeen mirihii halgankii dheeraa ay u soo galeen dalkooda.

Saraakiisha iyo Ciidanka Naafada ah ee la guddoonsiiyey hadiyadaha uu ugu tala galay Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dareenkooda farxadeed, iyagoona bogaadiyey maamuska iyo maqaamka uu u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.