Madaxweyne Farmaajo oo saaka kusii jeeda dhul uusan horay ugu safrin

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho ku tago magaalada Hobyo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo habeenimadii xalay ku hoyday magaalada Cabudwaaq ayaa waxa uu halkaa kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta maamulka.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Maamulka iyo shacabka deegaanka Hobya ayaa ku howlan diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa magaalada Hobyo kulamo kula qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

Dhinaca kale, socdaalka Madaxweynaha ayaa u muuqanaaya mid soo idlaaday maadaama uu dalka ka socda isbedel dhanka xilalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com