DEG DEG: Taabit oo xilka laga xayuubiyay & Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyaha G/Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku-xigeenadiisa Gobolka.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye cusub iyo ku-xigeenadiisa waxa ayna u qorneyd wareegtada sida tan:

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaana dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweynahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:

1-Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna DuqaMuqdisho

2-Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada.

3-Hussein Mohamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada.

4-Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta.

5-Aadan Sheikh Cali Fidoow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud.

6-Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaaq Xuseen.

WADA SHAQEYN WACAN

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com