Madaxweyne Farmaajo oo saaka u safray dalka Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Asmara ee Caasimada dalka Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku sii sagootiyey mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa ujeedka safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ku sheegtay inuu la xariiro kulamo uu Ereteriya kula leeyahay Madaxweynaha dalkaasi, Isaias Afwerki iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkaasi saddex geesoodka ah looga hadli doono xaaladda gobolka iyo dhammeystirka iskaashiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay shaaciyey qabsoomida kulankaan, wuxuuna tilmaamay inuu la shiri doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo sidoo kale kan dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku jira isbaheysi saddex geesood ah oo ay dhisteen, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax la taaban karo oo uu qabtay.

Shirkaan ayaa sidoo kale imaanaya ayada oo 11-kii bishan uu Farmaajo ka soo laabtay Asmara, islamarkaana uu kula soo kulmay dhigiisa Afwerki, isagoona kalana soo hadlay arrimo dhowr ah.