Muxuu salka ku hayaa kulanka Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Ahmed ee Asmara?

Asmara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriya kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya Agaasimaha Madaxtooyada, Amb. Cali Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo aan inta badan ka harin Madaxweynaha marka uu aadayo Asmara, iyo Wakiilkiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maanta uu ku tagay Asmar ayaa noqonaya kii 5aad oo uu muddo sanad iyo todobo bilood ah uu Eritrea ku tago, tan iyo safarkii u horeeyay ee uu ku tagay dalkaas bishii July ee sanadkii 2018-dii.