Somaliland oo shaacisay tallaabo ay uga hortageyso fayruska ka dilaacay Shiinaha

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay xanuunka halista ah ee dhowaan ka dilaacay magaalooyin kamid ah dalka Shiinaha, isagoona ku sii fidaya dalal kamid Yurub.

Somaliland ayaa sheegtay in cudurkaasi ay ka feejigantahay, kaasi oo sababay dhimashada tobaneeyo qof, halka ay Isbitaalada dalka Shiinahana u jiifan boqolaal qof oo uu soo ritay xanuunkaasi.

Mahdi Cismaan Buuri, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayey, ayaa sheegay in Somaliland ay qaaday talaabooyin kaga hortageyso in xanuunkaasi u soo gudbo.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey inay goobaha laga soo galo Somaliland, sida Garoonka diyaaradaha ay dhigeen Dhakhaatiir baadhitaano ku sameysa dadka ka soo degaya, midaasi oo ay kaga hortagayaan xanuunka aadka u fidaya ee ka dilaacay Shiinaha.

Waxa kale oo uu Wasiirku ku baaqay in feejignaan dheeriya ay muujiyaan shacabka reer Somaliland ee dalka dibadiisa u safra, gaar ahaan ganacsatada.

Xanuunkan ka dilaacay Shiinaha ayaa lagu magacaaba ‘Corona Virus’, kaasi oo ah Caabuq ku dhaca Neef-mareenka bini-aadamka, kaasi oo muddo kooban sababi kara in uu qofku u geeriyoodo.