Madaxweyne Farmaajo oo ‘shuruud ku xiray sii daynta’ wasiir Cabdirashiid Janan

Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan.

Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan  xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan.

“Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland.

Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com