Xog: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo qarka u saaran in ay shaqo joojin sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag.

Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo.

Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn).

Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan.

Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale.

Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir.

Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com