Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray digniin culus

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

Ka hor inta uusan Koonis tagin ayuu Madaxweynaha ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in mushaaraadka kala duwan ee shaaqalaha , iyo ciidamada dowlada ay bixiyaan tan iyo arkii uu xilka qabtay kadib arkii uu tilmaamay in ay ladagaalameen musuq maasuqa, madaxda iyo shaqalaha dowlada ayuuna faray in ay iska ilaaliyaan musuq maasuqa.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho intii ay socotay Xafladihii loogu dabaal dagayey 1-da Luuliyo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com