Madaxweyne Farmaajo oo Telefoon kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa telefoon u diray Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta loo dhaariyey xilka, lana wareegay xafiiska.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasare Abiy Ahmed telefoonka kula hadlay, isla markaana uu u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in lasii xoojiyo xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa kaloo madaxweyne Farmaajo uu ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya usheegay in xiriirka xoog leh oo dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya uu sii horumarinayo ganacsiga iyo maalgashiga iyo xoojinta amniga Gobolka.

“Shaki kama qabo in Ra’iisal wasaare Ahmed uu xiriirka labada dal gaarsiin doono heer cusub..” ayaa lagu yiri farriin madaxweyne Farmaajo soo dhigay baraha bulshada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com