Faahfaahin ku saabsan shaqaale dhisme oo geeriyooday kaddib markii uu dhismaha ku dumay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa  sheegaya in Guri laga dhisayay Nawaaxiga KM4 uu ku soo dumay Shaqaalihii dhisayay kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Ugu yaraan 3 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka kuwo kalena wali la la’yahay kaddib markii uu dhisme ay dhisayeen ku dumay shaqaale ka tirsanaa sharikad kuwa dhismaha ah.

Shilkan waxaa uu ka dhacay Shaleemadii hore ee Ecuadore oo ku taalla Isgoysks KM4 ee Magaalada Muqdisho,waxaana wali socda gurmad lagu doonayo in lagu bad baadiyo dadka dhismaha ku hoos jira.

Shaqaalaha Gurmadka deg degga ah ayaa ku sugan goobta uu ka socdo howlgalka bad baadinta ah,waxaana ay ku dadaalayaan in dad nool ay soo helaan.

Dhismaha Guragan oo dhawaan la bilaabay ayaa xiligaan marayay dhismaha Koowaad,waxana Gobjogayaal ay sheegeen in iyada oo Shaqadii lagu jiray uu ku soo dumay Shaqaalihii .

Saraakiisha ku howlan badbaadinta ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen,saddex kalena ay dhaawac yihiin,halka midna la la’yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com