Nolol xanuun badan: Sidee u noolyihiin Haween Soomaali ah oo darbi jiif ku ah Jakaarta?

Jakaarta (Caasimadda Online) – Magaalada Jakaarta ee Caasimadda Dalka Indonesia waxaa ku sugan qaxooti  ka badan 13,000 oo qof oo intooda badan ay diidday dowladda sidoo kalena hay’adaha Qaxootiga ay u diideen kaararka qaxootinimo.

Dadkaas waxaa ka mid ah Haween Somaaliyeed oo aad u tiro badan,waxaa ay darbi jiif ku yihiin Waddooyinka Magaalada Jakaarta,waxaa ay ku jiraan nolol aad u adag,ma heystaan cunto,cabid,Hooy iyo wixii la mid  ah.

Dowladda Indonesia waxaa ay diidday in haweenka Qaxootiga ah ay shaqeystaan oo ay xitaa dhaq dhaqaaqa bulshada ku lugyeeshaan.

Taas beddelkeeda Haweenkan,waxaa ay dawarsadaan ama tuugsadaan  Dadka kale ee Qaxootiga ah ee heysta kaararka aqoonsiga Qaxootinnimo.

Haddaba hoos ka eeg sawirrada iyo sheekooyinka ay wataan.

Homeless Somalia refugee Stahil

Istaahil,oo Salaad DukaneysaIstaahil,waxaa ay salaad ku dukaneysaa Guri si ku meel gaar ah loo dejiyay iyada iyo Haween kale,Ninka Gurigan iska leh,waxaa uu xilliga uu doono Haweenkan dhihi karaa iiga baxa.

Tiro Haween Soomaali ah,waxaa ay fadhiyaan Masaajidka Al Barakah ee Jakaarta.

Homeless Somalian refugee Rahma

Raxma,waa 25 jir,waxaa ay 2015kii ka baxsatay Kufsi kaddib markii aabbaheed ka qoorgooyay,inta kale ee qoyskoodana la gubay,waxaa ay ahaayeen Ganacsato ay shaqaalaha dowladda Rukun u yihiin.

Iqra,waxa ay Hotel ku lahayd Muqdisho,waxaa ay carartay kaddib markii loogu hanjabay in labada gacmood laga jarayo,waxaa ay diidday in ay xirto Hoteelkeeda.

Somali refugees in an Indonesian boarding house

Haweenkan Somalida ah Dowladda ayaa u diidday in ay shaqeystaan,cunto iyo hooy raadsadaan,sidoo kale UNHCR iyo Hay’adaha kale ayaa u diiday qaxootinnimo,waxaana darbi jiif hadda.

Anisa; waxaa ay hurdeysaa qol ka mid ah Guri xanaano oo si ku meel gaar ah ay u degganyihiin.

Safiya,waxaa ay dhabta ku heysaa Gabadheeda Saabriin oo 8 jir ah,waxaa ay ku suganyihiihin Guri uu leeyahay saaxiib oo ku yaalla Jakaarta.

Sucdi, waa 27 jir reer keeda ay ku dhinteen Qarax ka dhacay Muqdisho,waxaa afduubtay,kufsaday jir dilka u geystay Malleeshiyo.

Haween Soomaali ah oo xilli Habeen ah fadhiya Waddo ka mid ah Jakaarta,waxaa ay halis ugu jiraan Ragga doonaya haween ay la seexdaan,mana laha awood ay isaga celiyaan.

Iqra,waxaa ay fadhidaa darbiga Masaajidka Al-Barakah.waxaa ay tiri “halkan nabad kuma dareemayo,qofkasta ayaan u nugulahay”.

Istaahil iyo Safiya waxaa ay xilli Habeen ah joogaan Waddooyinka Jakaarta,waxaa ay ka midyihiin Haweenka loo diiday kaararka qaxootinimo.

Nuurto iyo Khadra waxaa ay xilli Habeen ah lugeynayaan Waddo marta bartamaha Jakaarta,waxaa eega Nin Indoneysian ah.

Labadan Gabdhood,waxaa ay jiifaan Darbi sida muuqata,lama sheegin magacyadooda,waxaa ay ka midyihiin Haweenka Soomaalida ee Darbi jiifka ku ah Jakaarta.

Isha: The Guardian.

W/D: Adam Ibrahim Farah (Showqi)