Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray magacaabaidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka oo galabta uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Farmaajo ayaa baarlamaanka ka codsaday inuu codka kalsoonida siiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, si dhaqso uu ugu soo dhiso xukuumadiisa.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maqribkii shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa Xamse Cabdi Barre u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Xamse Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka imaan ee xilkan loo dhiibo.