Sidee looga falceliyey magacaabista R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyneyaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, madax goboleedyo iyo siyaasiyiin kale ayaa ka falceliyey magacaabista Xamza Cabdi Barre, oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka. 

Haddaba waa kuwan qoraallada madaxdii ka falceliyey.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Allaha la garab galo mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, waxaan rajeynayaa in Golaha Shacabka BFS Soomaaliya ansixiyaan si uu u guto howlaha Qaran ee horyaala. 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre: Waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu maanta magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud. 

Aniga oo dareensan culeyska shaqo iyo miisaanka mas’uuliyadeed ee xilka Ra’iisul Wasaaranimo, waxaan Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre u rajeynayaa in Allah uu ku asturo xilka, una fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.  

Waxaan codsanayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo Ra’iisulwasaaraha cusub gaar ahaan waxaan golaha shacabka si gaar ah uga codsanayaa in si deg-deg ah ay usoo dhaweeyaan, una ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha si uu usoo dhiso xukuumad dar-dar gelisa dhamaan shaqooyinka la xiriiro dib usoo kabashada dowladnimadeena oo hakad galay labadii sano ee ugu dambeeyay. 

Madaxweyne goboleed Axmed Madoobe: Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan u rajaynayaa Alle inuu la garab galo masuuliyadaas culus ee hortaala.

Madaxweyne goboleed Cabdicasiis Lafta-gareen: Waxaan hambalyo iyo soo dhoweyn  u diraya Ra’isal wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre, oo Madaxweynaha JFS, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS.  Waxaan Ra’iisal Wasaaraha cusub u rajeynayaa in uu Alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, kuna asturo shaqada culus ee loo igmaday.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: Waxaan bogaadinayaa xilka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xildhibaan Xamsa Cabdi Bare. Xamsa waa nin faham fiican ka haysta xaalada dalka. Waxaan ku aqaanaa niyad wanaag, furcadi iyo in uusan aragtidiisa la gaban. Waa xil culus oo xili xasaasi ah ku soo aaday ee Allaha la garab galo masuuliyada.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed: Hambalyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamza Cabdi Barre. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda ammaanada ee ummadda Soomaaliyeed. R/W Xamza waa daljoog xog-ogaal ah, aqoonyahan fahamsan hannaanka Federaalka & ahmiyadda wadashaqeynta Hay’addaha.