Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku xushay Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor sii horeysay magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ka hadlay sababaha uu ku xushay.

Xasan Sheekh ayaa in Xamza uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

“Waxaa go’aankaan ku saleeyay marka eegay aqoonta, waaya-aragnimada iyo kartida aan ku aqaano Mudane Xamze ayaa u gartay in uu yahay qofka ku haboon ee ka bixi kara xilkaas iyo Soomaaliyada cusub ee waayahay cusub ku jirta,” ayuu yiri.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in si deg deg ah u meel-mariyaan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, Mudane Hamza Cabdi Barre.

“Waxaa kula dardaarmaya Ra’iisul Wasaaraha in uu dardar-galiyo kuna mashquulo oo aad u howl-galiyo arrimaha hortabinta leh ee xukuumadda cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, taasi oo hortabintooda ugu horeyso ay tahay; Amniga, Gurmadka Abaaraha, Heshiisiinta, Horumarinta Bulshada iyo Ka hortaga aafooyinka cimilada isbadelaysa iyo daryeelka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.”

“Ra’iisul Wasaaraha cusub waa in uu ka shaqeeyo horumarinta cilaaqaadka caalamiga ah ee Soomaaliya ay la-leedahay aduunyada inteeda kale isaga oo ka tallaabsanaya hal-hayskeenii ahaa Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu duceeyay in Ilaahay u fududeeyo Ra’iisul Wasaaraha xilka culus ee xiliga adag ee Soomaaliya ay maanta marayso lagu aaminay, loona magacaabay.