Madaxweyne Farmaajo waxa uu garab maray nidaamka awood qaybsiga beelaha

Soomaaliya laga soo bilaabo shirkii Carta waxay wax ku qabsanaysay nidaamka beelaha ee 4.5ka oo ah 4 beelood iyo beesha shanaad , taasoo xal loo arkay inay Soomaali isku aamini karto oo lugu gaari karo nidaamka dawladnimo maadaama dawladii hore ay u burburtay cadaalad daro iyo dulmi loo geystay beelaha qaar .

Madaxweynayaashii soo maray dalkaan laga soo bilaabo shirkii carta(Cabdullahi Yusuf ilaa Xasan Shiikh) waxay ilaa xad isku dayi jireen inay isku dheeli tiraan awood qaybsiga beelaha si loo abuuro kalsooni iyo isu soo dhawaansho umada Soomaaliyeed ee kala irdhowday .

Madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu gabi ahaanba iska indha tiray dhamaan qaybtii Beesha Direed ku lahayd qaybaha kala duwan ee dawladda marka laga soo tago waasiirada iyo wasiir ku xigeenada .

Tusaale ahaan taliyaasha ciidaamada oo loo qaybsan jiray shanta beelood madaxweyne Farmaajo markuu xilka qabtay wuxuu meesha ka saaray qaybtii Beesha Dir ku lahayd , dhamaan taliyaasha kala ah Nabadsugida, Booliska, Taliyaha guud ee ciidamada xooga, Asluubta, Abaanduulaha, taliyaha lugta iyo dhamaan ku xigeenadooda Beesha Direed xal xubin lagama siin marka laga soo tago Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska .

Waxaa wax lala yaaba ah madaxweynaha beesha uu kasoo jeedo ee Beesha Daarood inuu isugu daray taliya ciidanka booliska iyo taliya ciidanka lugta taasoo ah qabyaalad aan geed loogu soo gaban iyo dib usoo celin dhaqankii sababay in dalkaan uu burburo .

Dhacdadii u danbeysay ee Madaxweyne Farmajo ku duudsiiyay qaybta Beelaha Direed waxay ahayd wuxuu xilka ka qaaday Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Dahir wuxuuna ku badalay nin ay isku reeryihiin taaso si cad u muujinaysa dagaal cad oo uu kula jiro Beesha direed .

Arinta cajiibka ah ayaa ah Beesha Direed ma lahan madaxweyne , Raysul wasaare, gudoomiye baarlamaan intaas iyadoo aan loo xaqsiin ayaa hadana meelihii kale ee awal nidaamka 4.5ku u ogalaaday lugu wadaa xil ka qaadis .

Waxaa kale oo intaa dheer, Somaliland oo isir ahaan ku abtirsata beesha Direed waxay dawladda Farmaajo kula kacday cunaqabatayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aan abid la arag oo keenaysa cuqdad iyo sii kala fogaansho hor leh .

Intaas marka la isku soo xooraamiyo waxaa laga maarmaan ah in xisbiyada siyaasada dalka , kuwa isbadal doonka ah iyo dhamaan danleyda siyaasadeed in arintaa aan laga aamusin oo loo istaago wax ka qabashadeed inta aysan reebin saameeyn xun oo an wax laga qaban Karin oo umada soomaaliyeed sii kala fogeynaysa. Waxaan shaki ku jirin in beri la arki doono beelo badan oo cabanaya oo la hareer mariyay xuquqdoodii siyaasiga ahayd .

Sida aan xogta ku hayno Beesha Direed waxay ku maqantahay talo iyo go aan ay ka qaadan doonaan siyaasad guracan ee Farmaajo ku maamulayo dalka .

Waxaa qoray: Ahmed-Kaashin Abdi
kooshin.ahmed73@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid