Xog: Yaa bixiyay amarkii lagu hor istaagay xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ku wajahneyd Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegay in amarkii lagu hor-istaagay in xildhibaan Dalays Xasan Aadan ay ka dhoofto garoonka Muqdisho, oo ay aaddo gobolka Gedp uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in maamulka garoonka lagu amray in ilaa amar dambe aysan xildhibaanada baarlamaanka aadi karin Gedo iyo sidoo kale siyaasiinta mucaaradka ah hadii ay dhacdana in ay ka baxaan garoonka Muqdisho ay ku bixi karaan oo kaliya amar sare.

Sababta amarkaan loo soo saaray ayaan lala wadaagin saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waxay u muuqataa mid la xariirta isbadalada amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Itoobiya kawado Gedo.

Xildhibaan Dalays Xasan Aadan waxay kasoo jeedaa gobolka Gedo, waxayna ku beel tahay madaxweynaha, hase yeeshee waxay ka mid tahay siyaasiyiinta fikir ahaan diidan madaxweynaha.

Wareysi ay siisay VOA-da markii la xanibay Isniintii ayay ku tiri “Dowladda hadda jirta cid kasta oo ka ra’yid duwan waxay la galaysaa dagaal.”

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa ka cabsi qaba in xildhibaanada tagaya Gedo ay caqabad ku noqdaan qorshaha ay dowladda kula wareegeyso gobolka ayada oo kaashaneysa ciidamada Itoobiya.

Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay in amarka lagu hor istaagayo Xildhibaan iyo qof kale oo sare uu yahay mid ka yimaada Madaxweynaha talada haaya balse aysan bixin karin qof kale.

“Kaliya madaxweynaha ayuu ka imaan karaa amarka nuucaas ah ma jirto qof kale oo qaadan kara, hadii uu qaatana waa go’aan qar iska tuurnimo ah” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow.

“Haddii uusan aheyn amar ka soo baxay madaxweynaha waxay aheyd inuu jawaab ka bixiyo sababtoo ah wax sahlan ma ahan in Xildhibaan xasaanad leh la hor istaago waliba degaankiisa u socda” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow.

Korneel Macow ayaa ku taliyay in Golaha Shacabka ay u yaraan Madaxweynaha Soomaaliya halkii ay u yeereen wasiirka amniga Soomaaliya iyo Taliyaasha Booliiska iyo socdaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa ilaa hadda ka hadlin is hortaagii lagu sameeyay Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Hay’adda NISA oo markii hore la sheegay inay bixisay amarka ayaa iska fogeysay, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.