Madaxweyne Guudlaawe oo xilalka ka xayuubiyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilalkii ka qaaday labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumadiisa, balse wareegtada xilka looga qaaday wasiirradaan laguma magacaabin xubno cusub.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.”

Labada wasiir ayaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, sida ku cad warqadda uu caawa soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku taariikheysan 16-kii bishaan.

Faahfaahin intaas dheer laguma xusin warqadaan, markii laga soo tago in wasiirradaan lagu heysto xil gudasho la’aan aan laga bixin sharaxaad kale.

Hoos ka akhriso warqadda