Madaxweyne Joe Biden oo go’aan ka gaaray ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta ku dhowaaqaya kasoo saarista dhammaan ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan ugu dambeyn September 11, 2021.

Go’aanka ayaa laga damacsan yahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalkii ugu muddada dheer ee ciidamada Mareykanka ay ka qeyb-qaataan oo socday 20 sano.

Hase yeeshee, bulshada sirdoonka Mareykanka ayaa Talaadadii soo cusbooneysiiyey walaaca ay ka qabaan waxa uu ku dambeyn doono xaalka dowladda Mareykanka uu taageero ee Kabul.

“Dowladda Afghanistan way ku adkaan doontaa inay iska celiso Taliban haddii isbaheysiga ay la baxaan taageeradooda,” ayaa lagu yiri qiimeyn ay sirdoonka u direen Congress-ka.

“Kabul waxay guul-darrooyin kala kulmeysaa dagaalka, Taliban-na waxay ku kalsoon yihiin  inay guul militari gaari karaan.”

Biden ayaa doortay taariikhda 11-ka September, oo ah maalin xusuus weyn ku leh Mareykanka, waxaana buuxsami doonta 20 sano markii Al-Qacida ay weerartay Mareykanka, taasi oo dhalisay in madaxweynihii hore George W. Bush uu billaabo dagaalka Afghanistan.

Dagaalkan ayey ciidamada Mareykanka ay ku waayeen 2,400 oo askari, waxaana kaga baxay lacag lagu qiyaasay 2 trillion oo dollar.

Biden ayaa wajahayey waqti kama dabeys oo ah 1-da May, oo uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump, kaasi oo isku dayey inuu ciidamada Mareykanka kasoo saaro Afghanistan kahor inta anau xafiiska ka tegin balse ku guul darreystay. 

Go’aanka Biden ayaa 2,500 oo askar Mareykan ah kusii hayn doona Afghanistan kadib 1-da May, hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in 11-ka September ay dhammaan ciidanka Mareykanka ka tegi doonaan Afghanistan. 

Markii ugu badneyd waxaa Mareykanka dalkaas ka joogay 100,000 oo askari waxayna aheyd 2011, hase yeeshee waa ay sii gurmayeen wixii markaas ka dambeeyey.’