28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

“Madaxweyne ku xigeen ayaan rabay, balse waan ku hungoobay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo madaxweynaha Jubbaland uu ku mashquulsanaa soo xulida shaqsiga noqonaya madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxaa jiray shaqsiyaad ka tirsan wasiirada Jubbaland oo doonayay iney xilkaasi helaan.

Xubnaha xilkaasi doonayay qaarkood ayaa si cad u sheegay iney doonayaan qabashada booska Maxamuud sayid Aadan, balse aysan dhicin in lasoo xulaa, waxaana kamid ah C/rashiid Janan oo si cad u sheegay inuu xilkaasi doonayay balse uusan helin.

Wuxuu hadda yahay sii haya wasiir ku xigeenka amniga iyo arimaha gudaha, balse waxay deegaan ahaan kasoo jeedaan Maxamuud Sayid Aadan oo xilkaasi loo doortay, wuxuuna doonayay inuu noqdaa madaxweyne ku xigeen badalaya Fartaag.

“Shaqsiyan C/rashiid ahaan waxaad ogtihiin inaan Muddo badan loolan ugu jiray inaan noqdo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, laakiin Madaxweynaha ayaa magacaabay Madaxweyne ku xigeenada, arintaasi waxaan idiin cadeynayaa inaan raali ka ahay oo aan la shaqeynaayo masuuliyiintaasi.” Ayuu yiri Janan.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin kale oo tagay magaalada Kismaayo si ay xilkaasi iyo xilal kale u helaan, maadaama saacadaha soo socdo la filaya in Axmed Madoobe uu ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News