Waxaa weli maalintii shanaad xabsiga magaalada Jowhar ku xiran odayaal dhaqameedyo magaaladaasi u joogay in ay heshiis ka daaraan colaad beeleed mudo soo jiidameysay oo u dhaxeysa beelo wada dega degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xariga odayaashaan ayaa ka danbeeyay markii ay heshiis rasmi ah ka gaari waayeen dagaalada soo noqnoqday ee u dhaxeysa beelaha Celi Cumar iyo Cabdalla Caraano oo ka wada tirsan beelweynta Abgaal.
Shir uu usoo qaban qaabiyay maamulka Hirshabeelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe si xal looga agarro colaadaasi ayaa mudo seddax todobaad ah oo ay odayaasha fadhiyeen xal laga gaari waayay, waxaana amarka xariga odayaashaan bixiyay madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka beesha Celi Cumar ayaa waxay ku eedeeyeen madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle inuu ku fashilmay xal u helida colaada Cadale isla markaana waxay ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo odayaasha ku xiran xabsiga Jowhar.
Waxay kaloo odayaasha beesha Celi usoo jeediyeen Cali Guudlaawe inuu fuliyo documentiyadii horey loogu gudbiyay ee uu balan qaaday inuu fulin doono, waxayna ugu baaqeen dowladda dhexe ee Federaalka inay si deg-deg ah u soo fara galiso xadgudubka uu Madaxweyne ku xigeenka Hirshabele kula kacay nabadoono aan waxba galabsan.
Ugu danbeyntii waxay odayaasha ay beesha caalamka u soo jeediyeen inay fiiro gaar ah u lahaado arimaha ka dhacaya magaalada Jowhar iyo tacadiyadii laga sameeyay tuulooyin ka tirsan degmada Cadale.
Colaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa salka ku haysa dhul beereed iyo daaqsin, waxaana dagaallo horay labada beel u dhex maray lagu gubay beero, guryo iyo in ay ku dhintaan dad fara badan.