Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle oo goordhow la doortay

Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa loo doortay Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe, waxaana uu ka Guuleystay Cali Xasan Hilowle oo xilka Madaxweyne ku-xigeen kula Tartamayay Cali Guudlaawe.

Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa helay 86 cod, halka Cali Xasan Hilowle (Cali Taakow) oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Xildhibaanada Hirshabeelle oo iyagu codka bixinaayay ayaa intooda badan codkooda siiyay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu Cali Guudlaawe yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Cusub Ee Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali C/llaahi Cosoble.oo ka adkaaday Maxamed Cabdi Waare.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com