Madaxweynaha cusub ee Hir-Shabelle oo la doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay inuu noqdo Cali Cabdulaahi Cosoble, oo kasoo jeedaa beesha Xawaadle.

Tartanka oo ay isugu soo hareen labada musharax ee Cali C/llaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, kadib markii uu ka baxay musharixii saddexaad ee Cali Maxamed Carraale ayaa si weyn loogu loolamay, waxayna natiijadii ay noqotay sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre:

Cali C/llaahi Cosobe: 61 cod

Maxamed Cabdi Waare: 36 cod

cosobleHal cod ayaa xumaaday, iyadoo xildhibaanada codeysay ayaa gaarayeen 98 xildhibaan, isla markaana uu baarlamaanka Hirshabeelle ka kooban yahay 117 xildhibaan.

Musharaxa laga guuleystay Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono madaxweynaha la doortay, isagoo amaan u jeediyay Baarlamaanka Hirshabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble oo ahaa musharax uu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haddana noqonaya madaxweynaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu hore u soo noqday wasiirka ka tirsan xukuumadii KMG ahayd ee Cali Maxamed Geedi.

Arrimaha ugu horeeya Cali C/llaahi Cosoble maamulka uu hogaaminayo horyaala waxaa ka mida dhibaatada gobolka Hiiraan iyo diidmada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka horjeeda maamulkan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com