Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo ku guuleysan la’ inuu galo Gedo

Ceel-Waaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa la xaqiijiyay in uusan ilaa hadda gudaha u gelin degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo kadib safar maalmo ka hor uu ugu amba-baxay Gedo.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Maxamuud Sayid Aadan uu ku sugan yahay Ceel-waaq Kenya islamarkaana uusan wali usoo gudbin dhinaca Soomaaliya.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu maalmaha qaar safarkiisa ku qaatay degaano ka tirsan degmada Mandheera ee gudaha dalka Kenya kadib markii loo diiday in uu usoo gudbo Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa in uu soo galo gudaha Soomaaliya gaar ahaan Ceel-waaq waxaa u diiday dadka degaanka oo u diyaar garoobay Banaanbax iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Ciidamada Soomaaliya halka markii hore ay ka amar qaadan jireen Jubbaland.

“Ceel-waaq Kenya iyo Mandheera degaano ka tirsan ayuu soo dhaafi waayay waxaana hortaagan dadka degaanka iyo ciidamada amniga” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada ku sugan Ceel-waaq Soomaaliya ee gobalka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa myddo todobaad ah ku sugan Kenya waxa uuna raadinayaa in uu tago degmooyinka Ceel-waaq, Luuq iyo Doolow balse waa arin aad u adag sida ay soo sheegayaan odayaasha degaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayadoo gacan ka heleysa Itoobiya ay lasoo wareegto inta badan ciidamadii Jubaland ee ku gobolka Gedo, taasi oo caqabad ku noqotay maamulka Jubaland oo hadda u muuqda inuu lumiyey gobolka Gedo.