Madaxweyne Laftagareen oo xalaashaday arrintii uu sida weyn u diidanaa mucaaradka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay shirka dib-u-heshiisiinta maamulka ayaa niyad-sami ka muujiyay heshiis siyaasadeed laga gaaro in uu qaato muddo kordhintii loo sameeyay.

Lafta-gareen ayaa ku cel-celiyay in deegaanada maamulkiisa uu ku jiro go’doon, ayna tahay in laga wada-shaqeeyo xoreynta deegaanadaasi, oo cadowga laga dulqaado dadka shacabka ah.

“Maanta oo 5KM oo xabsi ah anaga oo dhan ku jirna in markale qax la galo ayada oo meel loo qaxo jirin raali kama nihin. Masuuliyad waxay naga wada saaran tahay amniga, meesha aan joogno iyo waxa hayno waa Baydhabo,” ayuu yiri.

“Dadka Baydhaba waxay rabaan nabada ay haystaan oo ah inta yar ee lagu kooban yahay ee lagu jiro, maanta haddii intaan laga baxo nin tagi kara aaska aabihii oo tuulada nagu dhagan ku dhintay ma tagi karo.”

Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilka lagula dhagan yahay hadda uu yahay magac u yaal, maadama uu sheegay in kaliya uu xukumo Baydhabo, inta kalena ay weli ka maqan tahay gacantiisa.

“Waxa la isku haysto waxa waaye laba nin oo timo aan laheyn oo shalo isku dagaalaysa. Ninkii la siiyo wax uu ku shaleysto malaha waa iska haysana lee ma ogiye, marka aan timo helno si ninkii shaladaas helo uu wax uu ku shalaysto u helo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Timaha helayno waxa waaye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed aan usoo celin laheyn qof walba masuuliyad ayaa ka saaran.

Hadalka Lafta-gareen oo laga fahmi karo in uu xalaaleysanayo halkii sano ee mucaaridka ka qeylinayeen, ayaa sida muuqata wuxuu xilligan garab ka helaya madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahmiyada u weyn siinaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo Koonfur Galbeed oo xor ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhabo ka sheegay in dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga horyimid qorshaha mucaaridka ee kal hore ugu dhawaaqeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in maanta ay gogol u fidsan tahay wada-hadalna loo ogolaaday mucaaridka, sidaas darteedna loo baahneyn hub iyo in la is dilo, sida uu hadalka u dhigay.