Xaalad adag oo ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana shaqada hareeyay muran u dhexeeyo maamulka sare ee shirkadda Favori oo gacanta ku heyso garoonka iyo shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeeya.

Shaqaalaha ayaa cabanaya xuquuq dhanka mushaaraadka ah oo ka maqan iyo sidoo kale in lagu kordhiyay saacadaha shaqada ee garoonka Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa gebi ahaanba shaqada joojiyay howlwadeennada Soomaalida ah oo ah kuwa u tababaran xaqiijiinta amniga rakaabka safraya iyo kuwa soo dagaya, ayaga sabab uga dhigay go’aankooda in lagu tuntay xuquuqdooda shaqaalenimo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa garoonka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, isla-markaana ay go’aansadeen illaa inta wax laga qabanayo cabashadooda ay joojiyaan shaqadii ay ahayeen oo aheyd mid muhiim ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay shaqeeyaan saacado badan oo aan ku jirin waqtiga shaqada ee lagula heshiiyey, isla-markaana looga baxay ballan aheyd in loo kordhin doono mushaaraadka, balse aysan dhicin taasi, sida ay ku doodeen shaqaalahaan Soomaaliyeed.

Waxa kale oo ay baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliso arrintooda.

Arrintan ayaa soo taagneyd todobaadyadii u dambeeyay, waxaana fashil ku soo dhamaaday dadaallada hoose oo la doonayey in xal looga gaaro cabashada shaqaalaha, kadib markii uu maamulka shirkadda Favori ka biyo diiday in uu wax ka qabato cabashada ka soo yeertay shaqaalaha Soomaalida ah ee u shaqeeya shirkaddaasi oo ah mid ajnabi ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka Aadan Cadde iyo dowladda federaalka oo ku aadan xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo tallaabadan oo kale ay qaadaan shaqaalaha garoonka, waxayna marar badan sameeyeen dibad-baxyo cabasho ah iyo shaqo joojin.