Ciidamada DF oo dilay 49 xubnood kadibna gaadiid kasoo furtay Al-Shabaab

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada Balcad, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalkan barbar socday duqeyn lala bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xoogaga hubeysan Al-Shabaab oo ku taallo, halka loo yaqaano dhul beereedka Sheekh Qaasim oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkan ka dhacay agagaarka deegaanka Xawaadley ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in howlgalkan lagu soo furtay gaadiid dagaal oo ay horay u qaateen Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay kooxdu laheyd, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankeeda dowladda waxa ay shaacisay in laga dilay jal askari, sidoo kalena laga dhaawacay saddex kale, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhanka ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar lagu hoobtay oo ismiidaaminku billowday ee ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu dilay saraakiil ciidan iyo askar fara badan.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa intooda lagu jebiyay dagaalladii ka dhacay HirShabelle, waxaana laga saaray dhul ballaaran oo ku yaallo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.