Madaxweyne MUSEVENI oo soo saaray hanjabaad la xiriirta xiisadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Frace24 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay dalka ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya.

Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka.

Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.

Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen labada dhinac ayaa sii horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga guud ee Soomaaliya.