Maxaa kasoo baxay shirka taliyeyaasha ciidamada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay xarunta taliska Booliska ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka Asluubta, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee uu dhowaan NISA sida ugu KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ugu magacaabay Yaasiin Farey.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulanka ka warbixiyey, waxaana uu sheegay inay ka arrinsaneen ammaanka iyo sida looga gudbi karo is qab qabsiga doorashooyinka dalka ee 2021-ka

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka doodeen in ciidamada aysan ku milmi karin siyaasada, isaga oo sidoo kale ka digay wararka xanafta leh ee lagu faafinayo baraha bulshada.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha iyo dibadda ah, loona baahan yahay in shacab iyo dowlad laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Dhinaca kale hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka soo dhex muuqashada shirkan ee Yaasiin Farey oo uu dhowaan Farmaajo si ku meel gaar ah ugu magacaabay NISA, sidoo kalena ah agaasinka gobolka Banaadir ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Shirkan ayaa qeyb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ka socda caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cusub ee soo kordhay.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana labada xafiis ay qaadayaan tallaabooyin liddi isku ah oo la xiriira awooda.