Madaxweyne Muuse Biixi oo faah-faahiyey arrintii xalay ka dhacday shirka Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd oo maanta ah kusoo laabtay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay shirkii maalmihii u dambeeyay uga socday dalka Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay in shirkaasi xalay lagu kala kacay, xili la isku mari waayay qaar kamid ah qodobada laga doodayay, kuwaasi oo ay ku adkeysanayeen guddiga Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay dowladda Jabuuti ay soo kala dhex-gashay kadib markii labada dhinac ay ku kala kaceen shirkaasi, isla markaana ku qasabtay inay qodobo hordhac ah soo saaran.

Muuse Biixi ayaa xusay in Mas’uuliyiinta u matalaya dowladda federaalka inaysan aheyn dad fahansan waaqica laga doodayo iyo waxyaabaha la isku haysto, xili Mas’uuliyada shirkaasi uu ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu Biixi sheegay in shirkaasi ay bad-baadiyeen dowladdaha Jabuuti iyo Mareykanka oo isagu lahaa abaabulka shirkaasi, isla markaana suurta-galisay kulamada ka socday dalka Jabuuti.

Shanta qodob ee laga soo saaray Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah kuwo aan macno badan laheyn, isla markaana si toos ah u abaareyn waxyaabaha dhabta ah ee ay isku mari laayihiin labada dhinac.

Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo aan weli si dhab ah looga midho dhalineyn, maadama ay labada dhinac ay ku kala adkeysanayaan midnimo iyo gooni goosad.