Loolanka Kenya iyo Jabuuti ee Golaha Ammaanka oo lagu kala adkaaday

New York (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay tartan adag kula gashay dowladda Jabuuti.

Codeyn goor dhaw lasoo gab-gabeeyay ayey Kenya kursigaas uga guuleysatay Jabuuti, waxayna heshay 129-cod, iyadoo laga doonayey inay hesho 128 cod, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62-cod.

Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, waxayna dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyn loo qaaday, iyadoo maanta mar kale oo balamay sidaasna ay guushu ku raacday Kenya.

Jabuuti ayaa shalay codeyntii dhacday ku heshay 78-cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin tirada codadka lagu soo bixi lahaa oo dhan 128-cod, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale.

Kursigan aan joogtada ahayn ee qaaradda Afrika ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waa markii seddaxaad oo ay Kenya ku guuleysatay. Waxayna kusii fadhi doontaa labada sano ee soo socota, waa 2021-2022-ka.

Kenya ayaa sidoo kale xubin ka ahayd Golaha Ammaanka 1973-74 iyo 1997-98.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay si faah faahsan uga hadlay loolanka kala dhexeeyey Kenya ee ku aadan tartanka ay labada dal ugu jireen kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay oo sanadkan ay u tartameen labadaas dal.

Madaxweyme Geelle ayaa sheegay in dowladdiisa ay olole adag u soo gashay helitaanka kursigaasi, si ay ugu matasho guud ahaan qaaradda Afrika. Isagoo tilmaamay, in haddii ay Jabuuti hanato kursigaasi in mudnaanta 1-aad ay siin doonto, sidii looga gudbi lahaa walaaca ay qabaan dalalka qaar ee Afrika.