Xildhibaanada BF oo bishan laga jari doono qeyb ka mida mushaarkooda + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ahna ku simaha guddoomiyaha ayaa sheegay in bishaan mushaarkooda wax laga jari doono Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin fadhiyada baarlamaanka.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in dhowr maalmood kulamada Goluhu u baaqdeen kooram la’aan iyadoo ay xildhibaanadu joogaan Muqdisho, taasina ay tahay wax aan loo dulqaadan karin maadaama ay curyaamisay shaqadii Baarlamaanka.

“Wixii maanta ka dambeeya jeebkiina ayaa ka dareemi doontaan maqnaanshihiina, annaga baaqeyn waa tixgelin weyseen laakiin mushaarkiina ayaa ka go’antahay,” ayuu yiri Muudeey.

Tan iyo markii uu furmay Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa dhowr mar baaqday kulamada baarlamaanka ee labada gole, waxayna u baaqanayeen kooram la’aan.

Kalfdhigaan oo ah kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa u muuqda inuu wajahayo dhibaatooyin badan. Sidoo kale kalfdhigaan ayaa ah kii ugu adkaa ee baarlamaanka maadaama la gelayo xiliga kala guurka ah ee dalka hase kama muuqato masuiliyadaas baarlamaanka Soomaaliya.