Isku fiiri heshiiska DF iyo Somaliland ee xalay iyo kii 2014-ka, kadib wax badan ayaad ogaan doontaa

Jabuuti (Caasimadda Online) – Shirkii wada-hadalada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti ayaa xalay labada dhinac waxay gaareen heshiis cusub, oo hore.

Arrimaha la isla ogolaaday ee la saxiixay ma aha qaar cusub, oo waa qodobbo horay loogu heshiiyey 2012-kii iyo 2014-kii, waxaana markaad isku eegto heshiisyadii hore iyo kan cusub kusoo baxaya in wax socdaa ay yihiin cayaar soo noq-noqota.

Qodobada cusub oo ay Xalay kala saxiixdeen Guddiyada labada dhinac waxay u qorneyd sidaan:

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan
2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.
3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.
4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.
5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa muuqato inuusan jirin farqi weyn oo u dhaxeeyo heshiiskii ay horey u kala saxiixdeen Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Axmed Siilaanyo. Qodobada ay Xasan Shiikh iyo Axmed Siilaanyo horey u kala saxiixdeen ayaa waxay kala ahaayeen:

1 – In la dardar geliyo  wadahadalada labada dhinac isla markaasna  wakhtiga lagu jaangoonayo.
2 – Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey oo ah:

a) – In laga dhowrsado wixii wadahadalada carqad gelin kara.
b) – In aan la sidaasadeyn deeqaha aadminimadda iyo mashaariic dib u dhiska welibana la dhiirageliyo.
c) – In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey.
3 -Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Jabuuti laga qeyb geliyo wada-hadallada marka lo baahdo.
4 – Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqul insaanka, Iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada, burcad-badeeda iyo dambiyada abaabulan (Organized Crime).
5 – In Madasha tan ku xigto ee ay kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay noqoto  26-27 February ee 2015, laguna qabto Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
6 – Waxay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti, Mudane ismaaciil Cumar Geelle, oo marti geliyey wadahadalkaan kadib markii  ay labada dhinac sidaas ka codsadeyn.

Maxaa macno ah oo ku jira in sanado dhowr ah kadiba la kulmo, oo la saxiixo qodobo aan macno badan lahayn, haddana kaaga daran’e aan ayagiiba la fulin, oo mar kale haddana lagu celiyo?