Sawirro: Muuse Biixi oo si aan horey u dhicin loogu soo dhoweeyey Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay, ayaa maanta kusoo laabtay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo isagu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimada.

Kumannaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hormuud u yihiin madaxda hay’adaha Somaliland, kuna lebbisan calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka Cigaal International Airport, waxana ay usoo gelbiyeen dhinaca qasriga madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dadweynahaasi, isagoona ka xog-warramay shirkii ay wafdigu ka qayb-galeen iyo sidii wada-jir loogu taabbo-gelin lahaa qarannimada ay ku doodo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in shirkii Jabuuti uu ka duwanaa kuwii hore, maadama la helay fagaare caalami ah oo ay kusoo bandhigaan qadiyada gooni goosadka ah ee Somaliland, isla markaana ay beesha caalamka u tabiyaan tabashadooda, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka uu u sheegay Farriin cad oo aqoon iyo garnaqsi uu ka muuqdo, isaga oo ka codsadayna inaanay marnaba aqbali doonin caddaalad-darrada iyo garsoor la’aanta uu caalamku Somaliland kala hor yimid.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland, madaxdeeda, wax-garadkeeda, aqoonyahankeeda, madax-dhaqameedkeeda iyo siyaasiyiinteedaba ugu baaqay inay isku duubnaadaan, wax kasta oo qarannimadooda iyo hankooda ka dhan ahna meel uga soo wada jeestaan.