Turkiga oo diyaariyey qorshe uu ku qabsanayo Greece iyo Armania

Ankara (Caasimada Online) – Turkeya ayaa diyaarisay qorshe ay ku qabsaneyso Greece intii uu socday dagaalka Syria, sida laga ogaaday dokumentiyo si hoose loo dusiyey. Dokumentiyadan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray qorshe lagu qabsanayo Armenia.

Qorshooyinkan ayaa waxaa loogu magac daray taliyihii ciidamada militariga Turkiga ee qarnigii 11-aad, sida uu weriyey wargeyska Nordic Monitor, oo arkay dokumentiyada.

Dokumentiyada ayaa sida lagu warramay qeyb ka ahaa qorshe loo soo bandhigayey Taliska Ciidamada Turkiga, si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Greece iyo Turkey ayaa ah laba dal oo cadaawad iyo xifaaltan xooggan u ka dhaxeeyo, waxaana dhex-maray dagaallo dhowr ah, gaar ahaan horaantii qarnigii 20-aad.

Qorshooyinkan ayaa waxaa xuddun u ahaa joogteynta weerarka iyo si-difaaca Turkiga ee aagga galbeed, xilli ciidamo badan loo diyaariyey Syria 2014-tii, xilligaas oo si xooggan uu u socday dagaalka dalkaas.

Qorshahan ayaa loogu magac daray Qorshaha Ciidamada Hubeysan ee Howlgalka Qorshyesan ama ‘TSK Çakabey Harekât Planlama Direktifi’, waxaana uu ku taariikheysan yahay 13-ka June 2014, xilligaas oo ahaa markii ugu darneyd dagaalka Syria ee sanaddii 2011 ku billowday gu’ga carabta.

Illaa iyo hadda ma cadda halka uu ku dambeeyey qorshaha, balse wargeyska Nordic Monitor ayaa sheegay inuu ruumeysan yahay inuu weli taagan yahay.

Turkiga ayaa sidoo kale diyaariyey qorshe lagu qabasanayo Armania oo loogu magaca daray ‘TSK Altay Harekât Planlama Direktifi,’ kaasi oo ku taariikheysan 15-ka August 2000.

Qorshooyinka oo sir ahaa ayaa waxay kusoo shaac baxeen kiis maxkamadeed oo la xiriira afduubkii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July 2016.

Labad qorsheba lagama helin wax faah-faahin oo ku saabsan sida loo fulin lahaa.