Maxaa heegan ka dhigay ciidamada Itoobiya marka la eego howlgalada qaaradda?

Dowladda Itoobiya waxa ay leedahay Ciidamo u badan Militari, kuwaas oo qaarkood ka tallaabay soohdinta dalkaas uu la wadaago wadamo kala duwan si ay u farageliyaan dalalka dariska sida Soomaaliya iyo Suudaan.

Itoobiya waxa ay ka faaiideysaneysaa fursadda ah in ay tahay Hoyga Midowga Afrika, waana halka lagu gaaro go’aamada Ururka, iyada oo aan marti ka ahayn fadhiyada ayay codkeeda ka dhiibataa.

Dadka dalkaas waa 109.2 Milyan oo ruux sida ku cad xog baarista Bangiga Adduunka uu ka sameeyay dalkaas (2018), waana dal sanadba sanadka ka dambeeyo sii kordhinaya awoodda dhanka ciidanka.

Loolanka Itoobiya waa uu ka tallaabay Bariga Afrika, Jamhuuriyadda Carabta Masar oo dhacda Waqooyiga Qaaradda ayay isku heystaan hab maamulka Biyaha Wabiga Nile oo ay labaduba kawada faaiideystaan.

Soomaaliya waxa ay soo galeen marar kala duwan, ciidamada xooggooda waxa ay soo galeen horaantii sanadkii 2006-dii, kolkaas oo ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku xoogeysteen Midowgii Maxaakiimta.

Sanadkii 2009-kii, ayay isaga baxeen Gudaha Soomaaliya inkasto oo aysan si rasmi ah kaga tallaabin soohdinta, balse markale ayay soo galeen Gobolada dalka ee xiga dhanka Dowladda Federaalka itoobiya.

Waxa dadaal badan u galeen sidii Ciidamada Itoobiya loogu biirin lahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, maadaama dalalka dariska la ah Soomaaliya laga joojiyay iyada oo dhinacyo kala duwan laga eegay.

Intaa kuma aysan harin Dowladda Itoobiya, waxa ay shukaanta u qabatay Hoggaaminta Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana xilkaan loo magacaabay Gen. Tigabu Yilma, si hoose waxaa ula shaqeynaya saraakiil u dhalatay dalkiisa.

Itoobiya Soomaaliya waxaa ka joogo Askar tiro ahaan u diiwaangashan Howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, balse waxaa jira Ciidan kale oo aan xirneen Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta AMISOM.

Howlgalkaan waxaa ku jira Dalalka kala ah Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya waana qaybta Militariga ah ee howlgalka Ururka Midowga Afrika, halka kuwa Booliiska ay ka kala socdaan dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

Hamiga Itoobiya ee howlgalka Midowga Afrika ayaa halkiisa ah, oo Dowladda Kenya waxa ay isu kala badalaan Guddoomiyaha iyo Xoghahaya Urur Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka dhaca Bariga Afrika.

Suudaan ayay dhawaan galeen, waxaana dacwad ka gudbisay Xukuumadda Khartuum, kadib markii ay ka carootay tallaabada Ciidamada Addis Ababa ay sameeyeen, sidoo kale mar waxa ay gudaha u galeen Koofurta Suudaan.

Sanadkii 2002-dii, Ciidamada Militariga Itoobiya waxa ay ka yaraayeen tirada ay haatan yihiin, 18-sano kadib 162,000 oo aan ku jirin kuwa keydka sida ku cad bogga Wasaaradda Gaashaandhigga.

Damaca Itoobiya waa uu kasii tallaabayaa ciidanka Dhulka iyo kuwa cirka, waxa ay tababaray Ciidamada Badda, inkasta oo aysan lahayn Bad, haddana waxa ay xoog lacagba gelineysaa diyaarinta Ciidamada badda oo leh agab ciidan oo ku filan.

$330 Milyan oo doolar ayaa ku baxdo miisaaniyadda Ciidamada, waxaana intaa dheer Lacago kale oo ay ku kala helaan Howlgalada Qaramada Midoobay ee Koofida Buluugga ah iyo kan Midowga Afrika ee Koofida Cagaaran.

Miisaaniyadda sanadkii 2015-kii waa ay kasii badaneysaa marka waayahaan la eego oo waxaa ku kordhay 0.8%, sababtu waa dhalinyarada ku biireysa Ciidamada dalkaas oo il dhaqaale u noqotay Xukuumadda Addis Ababa.

Itoobiya waxa ay isu diyaarineysaa in ay ciidamo gaar ah oo wata maraakiib dagaal ay geyso Badda Cas iyo qayb kamid ah biyaha Caalamiga, taasi waxa ay beertay shaki ku saabsan in ay hoggaanka u qaban doonto ilaalada Xeebaha iyo kuwa biyaha Caalamiga ah.

Mustaqbalka dhaw iyo kan fogba, Dowladda Itoobiya saameyn intee la eg ayay yeelan doonaan Ciidamadeeda?

Xigasho: Radio Mustaqbal