Xog: Arrimo aad uga baxsan bani’aadannimada oo ka socda degmada Wanlaweyn

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Kufsi, jirdil, toogasho toos ah, barakacin, dhaca dadka iyo cabsi gelin ayaa si joogta ah uga jirta degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelada Hoose.

Degmadaas waxaa la dagay dagaalada qabiilka, waxaana si xun isugu laaynaya labo kamid ah beelaha waa weyn ee degmada oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu dagaal ka dhaxeeyey.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobalka Shabeellada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in Wanlaweyn ay noqotay magaalo marti gelisa xadgudubyada bani’aadinimada iyo tacadiyo ay ka siman yihiin qof kasta oo nool oo degaanka ku sugan, gaar ahaan bulshooyinka ka soo jeeda beelaha dagaalamaya.

“Ku-simihii guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka ayaa gacantiisa dil iyo dhaawac ugu geestay dad shacab ah, maalin kasta dhiig ayaa ku daada nolasha waa sii adkaaneysaa” ayuu yiri Cabdifataax.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi u saartay dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn kaas oo lagu gubay maydad caruur, dumarna lagu laayay, hase yeeshee arrinta ayaa u muuqata in ay ku dhamaatay afdaboolan dahab oo aan cidna wax iska weydiinin.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Wanlaweyn oo ay dadkeedu wajahayaan nolal adag iyadoo ay magaaladaasi si buuxda gacanta ugu haayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.