Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda waxa uu soo saaray wareegto uu xilalka kaga qaadayo Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)
Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com