Xaaf oo la heshiiyey DF, ka baxay heshiiskii Ahlu-Sunna kuna dhowaaqay doorasho

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi oo lama filaan ah oo u muuqda inuu soo afjarayo xiisaddii iyo loolankii siyaasadeed ee Galmudug.

Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, islamarkaana la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, islamarkaana ay si wada jir ah u qaban doonaan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug.

Go’aanka Xaaf ayaa yimid saacado kadib markii uu ka tagay magaalada Dhuusomareeb oo ay ka socdeen wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna, oo la doonayey in isaga lagu tuuro.

Dad ku dhow Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay isaga oo ku xumaynaya Ahlu-Sunna, islamarkaana hadda joojiyey meel aysan ku lahayn awood ay kula gorgortamaan dowladda. Xaaf ayaa dareemaya in Ahlu-Sunna ay dhabarka ka toogatay.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Xaaf

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com