Madaxweyne Muuse Biixi oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobolka Sanaag

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag.

Xaaladan deg-dega ah ayaa socon doonta muddo Saddex bilood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo goordhawayd kula hadlayey Xarunta Madaxtooyada.

“Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya adkaynta amniga, isla-markaana xaqiijinaya bed-qabka Muwaadiniinta Dalka, wuxuu soo saaray Xeer Madaxweyne, waxaana Xaalad deg-deg ah lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Degmooyinkaas oo Bilihii u dambeeyay ay ku soo noqnoqonayeen Falal Amni-darro” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha Somaliland markuu arkay Dastuurka JSL Qodobka 92-aad, marku arkay dhibaatada Colaadeed ka jirta degmooyin ka mid ah Gobolka sanaag oo halis gelin karta nabadgalyada guud iyo Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka, markuu arkay Nabadgalyo darrada ku soo noqnoqotay Degmooyinka Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Bulshadu dedaallo naf iyo maalba leh ka galeen”.

“Markuu arkay inay tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu qaaddo Tallaabo adag oo lagu joojinayo khataraha amni-darro, loona bedbaadiyo nafaha iyo Hantida Bulshada Somaliland. Markuu la tashi badan sameeyay Shir-guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Guddiga guud ee Nabadgalyada Qaranka, wuxuu go’aamiyey in Xaalad deg-deg ah lagu soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo muddo saddex bilood ah”.

Xeerkan Madaxweyne Biixi u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah kusoo rogo Deegaannada Xaaladaha Amni-xumo ka jiraan ayaa loo gudbiyaa labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo marka la ansixiyana Ciidammada awood u siiya inay Mas’uul ka noqdaan deegaanada Xaaladda deg-dega ah lagu soo rogay.

Talaabadan uu qaaday Madaxweyne Biixi ayaa daba-socota kadib markii Shalay deegaanka Gar-adag lagu dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska ee degmada Gar-adag.

Amarkan xaalada deg-dega ah ee kasoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu dhaqan-gali doona marka labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyaan xeerkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com