Xaaf oo shaaca ka qaaday in beesha caalamka isku raacday inay Galmudug…

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo kadib safar qaatay mudo oo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha Galmudug oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi uu kula kulmay madaxda beesha caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood waxa uu sheegay in ay isla garteen madaxda beesha caalamka in Galmudug la siiyo taageero buuxda hadii aay ahaan laheed dhanka dhaqaalaha iyo amnigaba sida uu sheegay Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federaalka ugu baaqay in aay dadka iyo dadka u naxaan waxa uu sheegay in dhawaan shir Garoowe lagu qaban doono ayna ka qeyb gali doonaan waxa uu intaas ku daray in dalku uu u baahanyahay badbaado waxa uu alle uga baryay umada soomaaliyeed in ilaah roob siiyo madaama dalka ay abaar ba’ani ka jirto.

Dhawaan ayey aheyd markii Maamul Goboleedyada ay Beesha caalamka la qaateen kulamo xasaasi ah oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa  xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah.

In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada.

Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi.

Xafiiska Gaalkacyo 
Caasimada@live.com